26.6 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Xasan Sheekh oo aan weli war lagu farxo ka helin Hailemariam Desalegn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo arrimo Siyaasadeed u gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, ayaan wali gaarin dantii uu dalkaasi u gaaray.

Madaxweyne Xassan oo kulamo gaara magaalada Addis Ababa kula qaatay Ra’isul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn, ayaan wali loo cadeyn codsiyo dhowr ah oo uu u soo hordhigay Dowlada Ethiopia.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa goortii uu gaaray magaalada Addis Ababa ilaa hadda laga saxiixay Qodobo dhowr ah oo la sheegay inay maslaxad ugu jirto Dowlada Ethiopia.

Qodobada Xasan Sheekh laga saxiixay ayaa waxaakamid ahaa in Somalia la keeni doono Ciidamo Ethiopian ah oo si gaara u ilaalin doona Madaxtooyada Somalia.

Dowlada Ethiopia ayaa la sheegay inay safka hore kaga jirto Dowladaha taageera Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ayna Ethiopia juhdi ku bixineysaa inuu soo laabto Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Xassan uu ka kaalmeeyo tabashadiisa ku aadan Doorashooyinka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News