25 C
Mogadishu
Monday, January 12, 2026

G/Doorashooyinka oo ka hadlay Hakatka ku imaaday Doorashada Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Maxamed Keynaan, ayaa ka hadlay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda magaalada Garoowe.

Mr Keynaan, waxa uu sheegay inay ka xun yihiin Doorashada ka socta Garoowe ee hakatka ku jirta, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inay socdaan dadaalo dib loogu furaayo Doorashada Garoowe.

Keynaan waxa uu tilmaamay inuu jiro Khilaaf aan sidaa usii buurneyn waxa uuna cod dheer ku sheegay inay xalinayaan khilaafkaasi.

Afhayeen Keynaan waxa uu intaa raaciyay in wadahadalka lagu furaayo Doorashada Aqalka Hoose ee ka socta magaalada Jowhar ay mareyso meel aad u wanaagsan.

Dhinaca kale, Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka dalka Keynaan waxa uu cadeeyay inay jiraan Musuq-maasuq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News