Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in musharax caan ah laga hor istaagay inuu u tartamo kursiga beeshiisa.
Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha dowladii KMG ahayd Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in la musuqmaasuqay ergadii beesha oo in ka badan 30 ergada ay bannaanka ka joogto doorashada, isla markaana loo diiday inay doorashadaasi galaan.
C/qaadir Cali Cumar ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulka Galmudug iska kaashadeen in isaga shaqsiyan laga reebo doorashada oo cadaadis gaar ahna ay saareen.
Cabdulqaadir Cali Cumar waa musharax ugu weyn kooxda Aala Sheekh oo u muuqata mid u babac dhigi weysay awoodda musuq maasuq iyo lacageed ee Damu-Jadiid.
Cabdulqaadir ayaa ahaan jiray guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta maxkamadaha Islaamka waxaana saaxib aad u dhow ay yihiin Sheekh Shariif.
Taageerayaasha Shariif Sheekh Axmed ayaa in badan oo ka mida looga adkaaday qaabab kala duwan oo doorashada 2016 cadaadis lagu saaray.
Kadib markii uu doorashada qaadacay Cabdulqaadir Cali Cumar, ayaa kursigani waxaa ku tartamayay musharrixiinta kala ah Saabir Nuur Shuuriye iyo Cali Sheekh Doon Cabdi.
Inta aysan billaaban codeynta ayaa waxaa tanaasulay Cali Sheekh Doon waxaana cod loo qaaday Saabir Nuur Shuuriye, oo ka tirsan kooxda Damu-Jadiid.
Guddiga doorashada ee magaalada Cadaado ayaa codeynta kadib hoolka kaga dhawaaqay in Saabir Nuur Shuuriye uu ku guuleystay kursigii xildhibaannimo.
Saabir Shuuriye ayaa helay codad dhan 45 cod waxaana la soo sheegayaa in ergada codeyneysayba ay intaas ahayd.
Muran iyo is qabqabsi ayaa hareeyay doorashada Aqalka hoose ee magaalada Cadaado, iyadoo musharixiin badan culeys lagu saaray inaysan tartamin.
Doorashada Cadaado ayaa noqotay tan ugu musuq maasuqa badan doorashooyinka dalka ka socda.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

