Xasan oo Abiy ku karbaashay madal caalami ah iyo Abiy oo awoodi waayey jawaab

Rome (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Rome uga qeyb-galay Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa khudbad uu ka jeediyay wuxuu si weyn ugu karbaashay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Xasan ayaa madashan oo ay joog ahaayeen madax caalami ah ayaa si adag uga hadlay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo dhalleeceyn culus kala dul dhacay madaxdii Itoobiya ka socotaya ee uu hoggaaminayay Abiy ee ku sugan Talyaaniga.

Khudbada madaxweyne Xasan oo u muuqatay karbaash ayaa cambaareyn culus loogu geystay madaxda dalka Itoobiya, iyada oo la adeegsanayo shuruuc caalami ah iyo xeerarka dunida u yaalla

Taasi oo dunida ay ka yaabtay sida uu u hadlay madaxweyne Xasan, ayada oo uu awoodi waayay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed inuu ka jawaabo khudbadii Xasan Sheekh uu ka jeediyay dalka Talyaaniga.

Hadaladii kulula ee Xasan Sheekh uu ka yiri madashaasi ayaa kamid ahaa “Dal Afrikan ah ayaa u yimid Talyaaniga in uu iskaashi la sameeyo dowladda Talyaaniga iyo waddamada kale ee Afrika. Waa dal ay madaxdiisa awoodi waayeen inay ilaaliyaan xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah ee dunida u yaalla.”

“Taasi macnaheedu waa inuu jiro dal Afrika ah oo aan diyaar u aheyn inuu iskaashi caalami ah sameeyo ama aan fahamsaneyn waxa uu yahay iskaashiga caalamiga ah.”

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda Itoobiya inay ka laabtan go’aankaasi guracan ee qaras iska-tuurka ah ee fadeexadda ku ridaya dalkaas iyo madaxdiisa.

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xad-gudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida dalkeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Abiy Axmed iyo wafdigiisa markii ay dhankooda hadlayeen kama aysan jawaabin khudbada madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin waxay ka hadleen iskaashiga Talyaaniga iyo Afrika dhexmari kara.

Si kastaba, Ethiopia ayaa wajaheysa cadaadis caalami ah oo la xiriira heshiiska Somaliland, kadib markii ay Soomaaliya kaga adkaatay dhanka diblumaasiyadda, ayna inta badan dalalka caalamka la safteen, kuna garab istaageen go’aanka ay ka qaadatay xad-gudubka xukuumadda Abiy Axmed.