Xasan Sheekh oo ansixiyey taliyeyaasha lagu beddelay Odowaa Yuusuf iyo Biixi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Wareegtada lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali.

Madaxweynaha oo tixraacaya qodobbada 87-aad, 90-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Lr. 15 ee soo baxay 1960 kuna saabsan Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka ayaa saxiixay xeerkaan.

Caasimada Online, waxay galabta baahisay xogta magacaabidda taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka, balse markii ay soo baxday dikreetada Madaxweynaha waxaa soo shaac baxday in la beddelay taliyihii ciidanka lugta Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Taliyihii Ciidanka Lugta Jeneraal Biixi ayaa lagu beddelay Jeneraal Axmed Aadan Cali, halka Taliyihii ciidanka xoogga Jeneraal Odawaa lagu bedelay Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka iyo ka go’naanta dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin in uu halkaas ka sii amba-qaado dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Sidoo kale masuuliyadaha uu madaxweynuhu xusay eek u jira waajibaadkiisa waxaa ka mid ah inuu muhiimad gaar ah siiyo dhismaha ciidanka xoogga dalka oo si xowlihi ah ku socda.

Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay Maanta oo Isniin ah, 19-ka Jannaayo 2023-ka, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu cadeeyey dikreetadaan.