XASAN SHEEKH oo dalab culus u gudbiyey DF kadib xiisadii Kenya iyo Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay xiisadda diblomaasiyeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, kadib go’aankii kasoo baxay Kenya.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale qoraalkiisa uga hadlay shirkii London ee shidaalka Soomaaliya, isaga oo dowladda ka dalbaday inay sharaxaad ka bixiso islamarkaana shacabka la wadaagto xogta shirkaas oo weli aan caddeyn, sida uu sheegay.

Hoos ka aqriso qoraalka Xasan oo dhameystiran.

Anigoo ka ambaqaadaya Warsaxaafaddeed uu Xisbiga UPD kasoo saaray muranka Diplomaasiyaddeed ee soo kala dhex galay dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaan soo dhownayaa mawqifka Dawaladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan ka jawaabidda cabashada Kenya, waxaanna sido kale xoojinayaa in Soomaaliya ay xaq u leedahay gacan ku haynta, ka talinta iyo go’aan ka gaarista sugnaanta xuduuddaheeda iyo kheyraadka ku jira.

Ayadoo shacabka Soomaaliyeed ay weli sugayaan in sharaxaad dhameystiran oo ay ku qancaan laga siiyo xogaha dhabta ah ee ku saabsan arrimaha Sahminta shidaalka waxaan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya usoo jeedinayaa in ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagto xaraashkii London 7-dii Feb ka dhacay ee shidaalka ku duugan baddaha dalkeena.

Waxaa lagama maarmaan ah in la muujiyo siyaasad ku salaysan deris-wanaag, nabad iyo xasilooni kula noolaasho wadamada deriska ah, ayadoo la eegayo xiriirka dhaqan iyo dhaqaale ee ka dhexeeya shucuubta dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaan ku baaqayaa in xaaladda diblomaasiyadeed ee hadda taagan la dejiyo, lagana warsugo Maxkamadda Caalamiga ee dacwadu hortaallo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com