26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Xasan Sheekh oo dalka uga maqan safarkii u dheeraa iyo xogta xaaladda ku gedaaman

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka uga maqan safarkii ugu dheeraa, kaas oo soo bilowday 6-dii bishaan oo Masar uu aaday, halkaas oo dhiggiisa Cabdalfatax Al-Sisi ay balamo culus ku kala qaateen, kadibna uu ka sii gudbay.

Markii hore Madaxweynaha waxaa dibadda u raacay Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Sirdoonka iyo koox ka tirsan xafiiskiisa, laakiin hadda lama wada socdaan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dhamaan shaqaalihii Madaxweynaha u raacay safarkaan dibadda ah ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana maqan kaligiis, isagoo weli sii wata kulamo qaarkood qarsoodi ah oo xasaasi ah.

Xasan Sheekh oo Masar uga sii gudbay Turkiga, kooxdiisii safarka Qaahira ku reebay, waxaana 11-kii bishaan la soo muujiyey muuqaalkiisii ugu dambeeyey ee kulankii uu Ankara kula yeeshay dhiggiisa Turkiga Erdogan.

Waa safarkii ugu dheeraa ee dibadda u uku qaatay Xasan Sheekh, waxaana la sheegay inuu ka xasaasiyad badan yahay safaradii hore, xaaladda qasan ee gobolka darteed.

Soomaaliya culeyska ugu badan waxay hadda ka dareemaysaa dhanka Itoobiya, iskaashi difaac oo adag ayey Soomaaliya marti uga tahay Masar iyo Turkiga oo aan isku masaalix aheyn.

Masar waxaa quseeya biyo xireenka Nile oo Itoobiya ay dhistay, isla markaana ay xarigga ka jareyso labo bilood kadib, waa bisha September, madaxda lagu casuumay waxaa kamid ah Xasan Sheekh oo sida ay u badan tahay diidi doona.

Maadaama Soomaaliya ay deris la tahay Itoobiya, Masarna aysan huri doonin dagaal si ay u burburiso qorshaha biyo xireenka ee Itoobiya, waxaa lama huraan ah in Masar ay Soomaaliya ka hesho ogolaanshaha dhul iyo bad ay ka dagaalami karto, Soomaaliya ayaa dhankeeda dan ka dhex aragta qorshaha Masar.

Turkiga ayaa dhankiisa daneynaya ka faa’iideysa kheyraadka Soomaliya iyo guud ahaan Afrika, iridda koowaad ee Afrika uu ka soo galo waa Soomaaliya, intaas waxaa dheer heshiisyo difaac oo labada dal ay galeen, sahan shidaal oo xeebaha Soomaaliya ay ku sameeyeen iyo iskaashi dhaqaale oo macaash badan uu Turkigu ka dhex arko, taasi oo muhiim ka dhigeysa inuu difaacdo Soomalaiya.

Soomaaliya waxay dhanka Itoobiya ka wajaheysa khatar ka badan tan Masar ay ka cabaneyso, dekedo, marin biyood iyo saldhig militeri oo badda Soomaaliya ku yaalla ayey dooneysa Itoobiya inay yeelato, taasi oo wax kasta uga daran Soomaaliya, kuna qasbeysa inay xulufo u raadsato, sida muuqatana waxaa hadda albaabada ka furay Masar iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku maqan xalka arrintaas ayaa la sheegay inuu safarkiisa Turkiga uga sii gudbay Azerbaijan oo kamid ah dalalka khibradda sare u leh ka faa’iideysiga kheyraadka shidaalka, inkastoo aan safarkaas weli la shaacin hadana waa mid la sugayo.

- Advertisement -

Read more

Local News