Madaxweyne XASAN oo soo faro-geliyay arrinta GEDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan gaar ah oo xalay xarunta madaxtooyada ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xubnaha laga soo doorto Jubbaland kana soo jeedo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrinta gobolka Gedo oo uu haatan si toos ah u faro-geliyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale kulanka ay khadka taleefanka uga qayb-galeen guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed iyo sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in intiisa badan shirkan diiradda lagu saaray xaaladda gobolka Gedo iyo sidii gobolkaas loo hoos geyn lahaa Jubbaland.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in xal loo helo arrinta Gedo oo muddo aad u dheer soo socotay, si loo helo Jubbaland oo mid ah.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu sheegay in maamulka iyo shacabka Gedo looga baahan yahay fur-furnaan iyo inay la shaqeeyaan maamulka Axmed Madoobe ee haatan fadhigiisu yahay magaallo xeebeedka Kismaayo, si meesha looga saaro khilaafka muddada soo jiray.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in dib loo soo celinayo mashaariicdii laga fulin jiray gobolkaasi si loo horumariyo, ayna iska kaashan doonaan dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Dhankooda Senatar Fartaag iyo guddoomiyaha gobolka Gedo oo kulanka ka hadlay ayaa si wadajir ah u dalbaday in marka hore la xalliyo tabashada reer Gedo, isla-markaana ay ka mas’uuliyiin ahaan diyaar u yihiin ka qyab-qaadasha arrimaha dib u heshiisiinta gobolkaasi.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana maalmihii u dambeeyay ay soo rogaal celisay xiisadda Gedo, kadib markii ay gobolkaasi dib ugu laabteen Senator Fartaaq iyo Janan oo markale dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo kuwa siyaasadeed ka bilaabay halkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta gobolka Gedo oo sii jiitameysay, kahor iyo kadib-ba doorashadii soo dhamaatay ee 2022.