Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo salaadda Jimcaha kula tukaday masuuliyiinta dowladda iyo shacabka Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Xasan Sheekh ayaa marka hore dul istaagay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdoodu aysan u joojin doonin dacaayadaha iyo beenta ay dhoodhoobayaan argagixisada, sida uu hadalka u dhigay.
“Nabadda maanta yar ee aan ku naaloonayno, dadka Soomaaliyeed qiimo aad u badan ayey u bixiyeen. Wiilal qaali ah ayaan ku weynay inta yar ee maanta aan ku naaloonayno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxa uu intaas ku sii daray: “Hadda saacadahan waxaa xabad ridaya askar Soomaaliyeed oo u taagan jiidda hore, oo kuleyl iyo qorax taagan. Waxay mudan yihiin in loo gurmado, la amaano, la garab istaago, wanaagga ay sameeyeenna la sheego oo aan laga been sheegin.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale hambalyeeyey guulaha ay furimaha dagaalka ka soo hooyeen ciidanka qaranka ee qaybihiisa kala duwan, isagoo u duceeyey geesiyaasha dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.
Sidoo kale, wuxuu madaxweynuhu faray shacabka in ay garab istaagaan ciidamada qaranka, si goobaha yar ee ay kooxaha argagixisadu ku dhuumanayaan looga sifeeyo.
“Dalka anaga ayaa iska leh, waa dalkeenna. Dadkuna waa dadkeenii, dowladduna waa dowladdeenii. Dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, waxaan leenahay: Aan isku tashanno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.