Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada madaxweyne oo ay wehelinayaan Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan labada dowladood ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladda gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha Jabuuti soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa xusay in Soomaaliya maanta ay soo gaartay dhammaadka howlgalkii Nabad Ilaalinta Soomaaliya (ATMIS), haatanna uu bilaaban doono howgal kumeel gaar ah oo muddo kooban socon doona (AUSSOM).
Waxa uu tilmaamay in qorshaha uu yahay in dhawaan ay si buuxda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.