Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lugu wadaa in dhawaan uu u safro degmada Cadaado, halkaas oo ay ka socoto dhismaha maamulka gobollada dhexe.
Booqashadan waxaa la filaya inay u billaabato madaxweynaha iyo wafdi wahelin doono, marka lasoo dhiso xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Cumar Sharmaarke.
Ujeedka safarka madaxweynaha ee Cadaado waxaa lugu sheegay inay salka ku hayso sidii loo dar dar galin lahaa dhismaha maamulka gobollada dhexe oo xilligan ay ka socoto gobollada dhexe gaar ahaana degmada Cadaado.
Degmooyinka gobollada dhexe waxaa ka socda abaabul iyo olole siyaasadeed oo ku aadan dhismaha maamul goboleed ka hirgala deegaanadaas, inkastoo uu jiro khilaafyo u dhaxeeya dadka ku dhaqan deegaanadaas oo la xiriira qaabka awood qaybsiga Beelaha.
Maamulka qorshiisa dhismo uu socdo waa mid ay dowladda horey ugu dhowaaqday inuu ka koobnaan dono gobollada Mudug iyo Gal-Gaduud.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com