Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani.
Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, xilli cabsi weyn laga qabo in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu xumaado.
Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamim ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, si looga mira dhaliyo danaha labada shacab.
Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda wada shaqaynta labada dal, si loo xoojiyo xiriirka adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.
Dowladda Qatar ayaa si weyn u taageerta Soomaaliya, wuxuuna wadahadalkaan ku soo aadayaa iyagoo Imaaraadka Carabta ay si cad u daandaansanayaan dowladda Soomaaliya, iyagoo ku xad-gudbaya madax-banaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Imaaraadka ayaa maanta shir caalami ah ku casuumay Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, isagoo ku casuumay maqaamka dal madax-banaan, taas oo dowladda federaalka ka careysii karta, inkastoo aysan weli wax war ah ka soo saarin.
Qatar iyo Imaaraadka ayaa isku ah Khaliijka Carabta, waxaana ilo wareedyo xog ogaal ah ay sheegayaan in Xasan Sheekh uu Amiirka Qatar uga dacwooday Imaaraadka oo mar kasta ku xadgudba Soomaaliya, iyagoo uga faa’iideysanaya duruufta.