Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo hoggaamiya Xisbiga ILAYS ayaa si adag u saluugay Shirka Wadatashiga Qaranka ee maanta ka furmay magalaada Muqdisho, isagoo sheegay in aan loo dhamayn, kana leexday ballanqaadkii madaxweyne Xasan Sheekh ee ‘shirweyne qaran oo loo dhan yahay.’
“Waxaan ku baaqeynaa wada-tashi dhab ah oo ay ka qeybgalayaan dhammaan maamul-goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka,” ayuu yiri.
Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo kamid ahaa musharaxiintii la tartameysay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada uu isku keenay Xasan Sheegay aysan intooda badan heysan sharciyad buuxda.
“Xisbiga ILAYS waxa uu aaminsan yahay in masiirka dalka Soomaaliyeed u baahan yahay wada-tashi dhab ah, ballaaran oo daahfuran, kaas oo aan lagu salayn dano gaar ah ama u janjeerin dhinacyo gooni ah,” ayuu Cosoble ku yiri qoraalkiisa.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay madaxweynaha in si degdeg ah uu u qabto shirweyne qaran oo dhab ah, laguna casuumo dhammaan maamul-goboleedyada, saamileyda siyaasadeed, bulshada rayidka ah, iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo qeyb ka ah gogoshii Qaran ee uu fidiyay Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 1-aad Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada; Koonfur-galbeed Mudane Cabdacasiis Xasan Maxamed, Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-cali, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir.
Shirkan oo ah mid heer qaran ah, ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladda dalka, howlgallada xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisada, dhammaystirka dastuurka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed, dib u dhiska ciidamada iyo horumarinta dowladnimada.