Xasan Sheekh oo Liibaan Cali Yarow dib ugu soo celiyey xilkii uu ka qaaday Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka u magacaabay guddoomiyihii hore ee uu xilka ka qaaday Madaxweyne Farmaajo.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa Jeneraal Liibaan Cali Yaroow dil loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida oo hore xilkaasi u soo qabtay.

Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa laga qaaday Gen. Maxamuud Axmed Xasan (Dalab), kaasoo madaxweyne Farmajo uu xilkaasi u dhiibay, balse aanu muuqan waxqabadkiisa.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay soo jeedin uu sameeyay xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga kaasoo u jeedku ahaa in is-baddel lagu sameeyo hoggaanka garsoorka.

Wasiirku wuxuu sheegay in Guddoomiyaha cusub S/Guuto Liibaan Cali Yarow uu xilligaan ahmiyad gaar ah u leh la dagaallanka Kooxda Al-Shabaab, wuxuuna u mahadceliyay Guddoomiyihi hore S/Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).

Waa markii 2-aad ee Liibaan Yarow qabanayo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida, bishii September 2014 ayayna ahayd markii uu isla-xilkaan u magacaabay Wasiirkii Gaashaandhigga ee xilligaas Maxamed Sheekh Xasan.

S/Guuto Liibaan Cali Yarow oo shahaadada Master-ka ka diyaariyey culuumta amniga ee Jaamacadda Naayif Al-Carabiya oo ku taalla Sacuudiga, ayaa hore u soo noqday Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidammada qalabka sida.