Afhayeenka Shabaab, Cali Dheere oo soo hadlay kadib markii la sheegay in la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo dhowaan ciidanka xoogga dalka ay sheegeen in lagu dilay dagaallada gobolka Hiiraan ayaa soo hadlay, taasi oo meesha ka saartay sheegashadii dowladda.

Cali Dheere ayaa cod lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab waxa uu kaga hadlay dagaalladii shalay ka dhacay deegaanada Yasooman iyo Beera-Yabaal ee duleedka degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan. 

Codka ay xalay baahisay Al-Shabaab ayuu Cali Dheere ku sheegayaa in taariikhdu tahay 12-ka October 12, 2022, taasi oo u muuqata mid looga dan leeyahay in lagu xaqiijiyo inaanu aheyn cod horey loo duubay.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkii shalay ay ku dileen 117 askari oo ka mid ah ciidamada dowladda, inkasta oo sheegashadaas aan si madax-banaan loo xaqiijin karin, ayada oo dowladda ay horey u sheegtay in khasaare culus dagaalkaas lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Raadiyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee SNA Radio ayaa 6-dii October sheegtay inuu afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaal.

Qoraal lasoo dhigay bogga facebook ee Raadiyaha ayaa lagu yiri “Xog muhiim ah oo warbaahinta codka ciidamada SNA RADIO ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in afhayeenka argagixisada Al-Shabaab dhagar qabe Cali Dheere Axaddii lasoo dhaafay 04:30 galabnimmo uu ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.” 

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Cali Dheere uu isbitaal la jiifay dhaawac culus oo kasoo gaaray dagaal ciidanka xoogga iyo shacabka xoreynta Hiiraan ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan, Khamiistii lasoo dhaafay ee 29-kii September ee 2022.