Daawo: Goodax oo su’aalo adag ka keenay ciidamada lagu uruurinayo CADALE

Muqdisho (Caasimada Online)  – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, ahna xildhibaan hore Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo muuqaal iska soo duubay ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo deegaannada HirShabelle.

Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in laga hagraday beesha uu kasoo jeedo ee Xawaadle oo haatan Al-Shabaab kula dagaalameyso gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ka billowday degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo la geeyey ciidamo aad u tiro badan, isaga oo ka keenay su’aallo shaki leh oo ku aadan abaabulka ka socda halkaas oo ay horkacayaan mas’uuliyiin.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ayaa sheegay in loo baahan yahay in la’is weydiiyo sababta ay Al-Shabaab culeyska usoo saareen Hiiraan, ayada oo dhanka Cadale ay ka socdaan guluf kale oo ay wadaan madaxweynaha HirShabelle, xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo sar sare.

“Waxaan isweydinaya ciidankii iyo gaadiidkii faraha badnaa ee laga diray Muqdisho ee Cadale gaaray oo rag masuuliyiin ah iyo madaxweynaha Hirshabeelle u tageen oo Cadalle sawiro kula soo galeen, sababta Al-Shabaab tiro badan oo kumanaan gaaraya ay u soo dhaafaan deegaanadooda oo ay Hiiraannu soo weerarayaan, ma heshiis qorsoonba jira, mase waxayba yasayaan in halka ciidanka jooga waxka tari karin,” ayuu yiri Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu jiro tuhun weyn oo ay ka qabaan arrintaasi, isla-markaana ay tahay in si hoose loo eego qaabka ay hadda wax u socdaan.

“Koley tuhuna ba jira, waana in la is weydiiyaa awooda ciidan ee Cadale joogta shabaab asoo og inuu Hiiraan xooga soo saaro” ayuu sii raaciyey Cabdullaahi Goodax Barre.

Ugu dambeyn Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku baaqay in dagaalka Al-Shabaab daacad laga noqdo, isla-markaana la garab istaago walaalaha Soomaaliyeed ee reer Hiiraan.

“Dalka waa la isla leeyahay oo hadii la rabo yo dhalyo iyo walaalnimo, Soomaalinimo in lagu wada joogo waa in dagaalada lagala qeyb qaata Xawaadle, mahan in hal qabiil kaliya dabka la saaro oo indhaha laga fiirsado,” ayuu markale yiri wasiiir hore Goodax Barre.

Hadalkan ayaa ku soo aadauo, ayada oo haatan ciidamo badan oo ka baxay Muqdisho ay gaareen degmada Cadale, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah Shabaab.