Daawo: Xusul oo ku biiray abaabulka socda – Maxaa iska beeddalay mowqifkiisii?

Muqdisho (Caasimada Online) -Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa xirtay dharka tuutaha ee ciidanka, isaga oo ku biiray abaabulka ka socda Shabeelaha Dhexe, si uu u dhiira-geliyo ciidanka Xoogga.

Xusul oo horey loogu dhaleeceeyey hadal kasoo yeeray oo ku aadan weerar uu ku qaaday Macawiisleyda dagaalka kula jirta Al-Shabaab, ayaa hadda bedelay mowqifkiisii hore,  wuxuuna qayb ka noqday howlgallada ka socda dalka, gaar ahaan Shabeelaha Dhexe.

Xidlhibaanka oo la hadlayey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo u baxay degmada Cadale ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada gobolka.

“Waxaa halkan ka dhaqaajinaayo oo ah  duleedka magaalada Muqdisho ciidamada Birmad Bulsho oo raba inay ku baacsadaan argagixisada cadowga ah ee Al-Shabaab ee ku soo daalay dalka iyo dadka  muddada dheerna heystay,” ayuu yiri xildhibaan C/risaaq Xusul.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka go’an tahay inay guul kasoo hooyaan dagaalka, ayna tegi doonaan furimaha hore ee dagaalka, si loo dhiirageliyo ciidamada iyo shacabka

“Waxaan rabnaa inaan caawaba u hooyano aagaga hore annaga oo aan kala harin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

C/risaaq Xusul ayaa sidoo kale baaq u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday inay qayb ka noqdaan dagaalkan oo uu horey u  iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh.

“Dagaalkan iclaamintiisa madaxweynaha isagaa iska leh, mar haddii madaxweynihii dagaalka iclaamiyeyne wuxuu noqonayaa dagaalka mid waajib ku ah qof kasta,”.