Daawo: Beel MUQDISHO ku soo bandhigtay qorshaheeda DAGAALKA Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Wacaysle ee Abgaal ayaa caawa ciidankii ugu badnaa ka ambabixisay magaalada Muqdisho, ciidankaan ayaa Al-Shabaab ka xorey doona degmada Ceeldheer iyo deegaanada hoostaga ee gobolka Galgaduud, halkaas kooxdu ay ku xoogan tahay.

Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul, Xildhibaan Yaasiin Farey iyo Jeneraal Gacmadulle oo warbaahinta kula hadlay halkii laga ambabixiyey ciidankaan ayaa sheegay in deegaanada beesha ay maalmaha soo socda ka xorey doonaan Al-Shabaab.

“Waxaan caawa duleedka Muqdisho ka dhaqaaqaya ciidankii xorey lahaa deegaano badan oo Khawaarijtu joogto, waxaan caawa u hoya doonaa aagagga hore anagoo aan kala harin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul.

Sidoo kale wuxuu sheegay in baaqa madaxweynaha ay deg deg uga jawaabayaan oo dalka xoreyntiisa ay ka qeyb qaada doonaan, “Dagaalkaan dalka oo dhan ka socda waa in qof kasta doorkiisa uu ka qaato,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ku dheeraaday sharaxaada dhagarta Al-Shabaab.

Dhankiisa Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa yiri, “Waxaan caawa u diyaarsanahay, in kaalinteena aan ka qaadano dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, reer Hiiraan sida ay u dagaalamayaan ayaan u dagaalami doonaa, madaxweynaha ayaa iclaamiyey dagaalkaan, cid ka dambeysana wax laga weydii maayo, dadkii horay dagaalka ugu jiray waxaan u sheegeynaa in bariga gobolka Galgaduud aan ka dagaal geli doono.”

Jeneraal Gacmadulle ayaa yiri, “Waxaan u jaheysanay goobaha ay Al-Shabaab ka joogaan gobollada dalka, waxaan hambalyo leeyahay dadka Soomaaliyeed ee cadowga la dagaalamaya, waxaan ku soconaa gobollada Shabeellada Dhexe, Galgaduud iyo Hiiraan, war farxad leh ayaana soo yeeri doona maalmaha soo socda iyo in Khawaarijta madaxa laga wada gooyo.”

Hoos ka daawo Xidhibaan Xusul