Deni oo tallaabo u qaaday arrin ay si weyn u diidan yihiin ururada siyaasadda

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weli ku taagan qorshihiisii ahaa inuu deegaanada maamulkaas ka qabto doorasho qof iyo cod ah kadib 20 sano oo uu maamulkaas ku shaqeenayey doorasho baarlamaani ah.

Saciid Deni ayaa casuumaad heer sare ah u sameeyey qaar kamid ah Ururada Siyaasadda wuxuuna kala hadlay hirgalinta doorashada golayaasha deegaanka oo la gaarsiinayo guud ahaan deegaanada iyo habka ay uga qeybgeli karaan ururada siyaasadda ee dumuqraadiyadda ku dhisan

“ waxaan kulan la qaadanay Ururada Siyaasadda iyo Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, waxaan iska xog wareysanay halka uu marayo diyaargarowga dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Madaxtooyada Puntland ayaa shaacisay in Ururada Siyaasadda ay ku garab istaageyso caawinaad dhanka maaliyadda ah oo lagu maareeynayo howlahooda, wuxuuna Saciid Deni u ballan qaaday ururada in  bil kasta la siin doono lacag cayiman.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka jawaabaya soo jeedinta Ururada Siyaasadda ayaa ku dhawaaqay in Dowladdu taageero dhaqaale la garab istaagayso Ururada Siyaasadda, Dowladda ayaa $10,000 howlgelinta koowaad siinaysa Ururkasta Iyadoo inta howsha Doorashada iyo ololaha socdona bil kasta Ururkasta lasiinayo $3,000 oo joogto ah”. ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Deni.

Kulanka waxaa qaadacay qaar ka mid ah ururada siyaasadda, waxayna qaarkood kol hore ka biya diideen qaabka Xukuumadda Deni u wajahayso doorashada goleyaasha deegaanka Puntland oo madmadow badan ku jiro sida ay ku doodeen.

Urur Sincad oo uu hogaamiyo Eng Mohamud Khalif Hassan Jabiye ayaa shuruudo ku xiray doorashada goleyaasha deegaanka, iyadoo Senator Cabdiraxmaan Faroole oo hogaamiya Urur Siyaasadeedka Horseed ku tilmaamay doorashada qof iyo cod ee Puntland boob xukuumadda hadda jirta ay waqtiga ku dheeraysanayso.

Deni ayaa hadda iska indha tiraya Ururada diidan nidaanka xukuumaddiisu u wajahayso Doorashada Puntland oo in ka badan 20-sano ku taameysay Doorasho hal qof iyo hal cod ah ilaa iyo haddana aan helin hogaamiye hirgaliya.

Lama ogo halka ay ku dhammaan doonto dooda u dhaxeyso madaxweyne Deni iyo ururada siyaasadda Puntland, waxaana jirto cabsi ku aadan inuu Saciid Deni sameysto muddo kororsi isagoo taas ku sababeenayo diyaarinta doorasho qof iyo cod ah.