AfroAtlas iyo Lufthansa oo gaaray heshiis dan ugu jirto shirkaddaha Soomaalida ee iibiya tikidhada diyaaradaha

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkadda AfroAtlas oo ay lee yihiin ganacsato Soomaali ah iyo shirkadda reer Yurub ee diyaaraddaha ee Lufthansa Group ayaa maanta magaalada Nayrobi ku soo bandhigay adeeg cusub oo ay labada shirkadood isaga kaashanayaan sidii farsamada casriga ah ee NDC la soo gaarsiin lahaa Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Barnaamijka cusub ee NDC ayaa u sahlaya macaamiisha AfroAtlas inay helaan qiimayaasha jaban ee NDC ee shirkadaha diyaaradaha ee ku bahoobay Lufthansa Group ee kala ah Lufthansa, Swiss, Austrian Airlines, Brussels Airlines iyo Eurowings.

Melford Ndungu oo ka socday Lufthansa Group ayaa munaasabadda ka sheegay in AfroAtlas ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee fadhigeedu yahay Bariga Afrika ee ay heshiis noocaan ah la galaan, iskana kaashanayaan sidii farsamadan casriga ah loo gaarsiin lahaa wakiillada safarka iyo guud ahaan musaafiriinta dooneysa inay ku socdaalaan shirkadaha ku bahoobay Lufthansa Group. Wuxuu xusay in qiiimayaasha laga heli doono barnaamijka AfroAtlas ay ka jaban yihiin kuwa laga heli karo nidaamka kale ee loo yaqaano GDS ee ay isticmaalaan inta badan wakiillada safarka (travel agents).

Marwo Agnes Mucuha oo madax ka ah Kenya Association of Travel Agents (KATA) iyo Mudane Anthony Ochieng oo madax ka ah Tour Operators Society of Kenya (TOSK) oo matalayay shirkadaha bixiya adeegyada safarka iyo dalxiiska Kenya ayaa munaasabadda ka sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin barnaamijkan, iyagoo ballanqaaday inay AfroAtlas kala shaqeynayaan sidii adeeggan loo gaarsiin lahaa dhammaan shirkadaha ka ganacsada safarrada iyo dalxiiska.

Ugu dambeyntii, Maamulaha Guud ee shirkadda AfroAtlas, Axmed Ugaas, ayaa u mahadceliyay dhammaan martidii ka soo qeybgashay xafladda furitaanka adeegga NDC ee Lufthansa Group. “Farxad weyn ayay noo tahay in aan soo bandhigno adeeggan. Dhiirrigelin weyn ayay noo tahay in shirkadaha diyaaradaha gobolka iyo kuwa caalamiga ahba ay noo doorteen inaan kala shaqeyno sidii aan adeegyadooda u gaarsiin lahayn qaaradda Afrika iyo adduunka intiisa kaleba” ayuu yiri Axmed Ugaas oo intaasi ku daray “Inkastoo xarunteenu tahay qaaradda Afrika, haddana adeegyadeena waxaa ka faa’iideysan kara cid kasta oo dooneysa inay sii iibiso tikidhada Lufthansa Group iyo diyaaradaha kale ee aan xiriirka la leenahay. Adeeggeena waa mid aan xuduud lahayn oo ay ka faa’iideysan karto cid kasta oo ku jirta ganacsiga safarka iyo dalxiiska meel kasta oo ay joogto.”

Lufthansa fadhigeedu waa magaalada Cologne ee wadanka Jarmalka, halka Afro Atlas ay fadhiyo waa weyn ku leedahay Nairobi iyo Dubai.