Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ka furay Gogosha Wadatashiga Qaran, taas oo ka soo xireysa qodobkii ay ku doodayeen Mucaaradka oo Madaxweynaha ku eedeeya in wax talo ah uusan weydiin saamileyda siyaasadda.
Gogosha waxaa yimid dhamaan xisbiyada siyaasadda ee Puntland ka jira, kuwaas oo xisbiga Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo kaliya uu ka maqan yahay.
Shan xisbi siyaasadeed ayaa ka diiwaan gashan Puntland, waxaana Muqdisho yimid oo shirkaan ka qeyb galay afar kamid ah, waxaana maqan xisbiga talada haya ee Madaxweynaha Puntland uu hoggaaminayo oo kaliya, taas oo muujineysa in Deni uu galay go’doon siyaasadeed.
Siyaasiyiin waaweyn oo dowladda aan ku jirin, hoggaamiyaasha ururrada siyaasadeed ee diiwaan-gashan, masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa ka soo qeyb galay gogosha oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu si rasmi ah u furay galabta.
Seddax maalmood ayaa la qorsheeyey in shirkaan uu ka socdo Muqdisho, waxaana berri ku soo biiraya Ra’iisul
Wasaaraha, iyadoo lagu soo bandhigi doono talooyin ku saabsan xal u helida marxaladaha ay ku jirto Soomaaliya.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ah intooda ku midowday Madasha Samatabixinta ayaa diiday inay ka soo qeyb galaan gogosha Madaxweynaha, iyagoo maqnaashahooda aan ku saleyn sabab loo qaateen ah.
Siyaasiyiinta ka qeyb gashay shirkaan ayaa galabta ilaa caawa jeediyey khudbado cajiib ah oo talooyin wax ku ool ah oo wax lagu toosin karo xambaarsanaa, waxaana talooyinkaas dhageysanayey Madaxweynaha iyo guddiga dowladda ee ka shaqeynaya gogoshaan oo Wasiir Xasan Macalin uu hoggaaminayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dheer ka jeediyey furitaankii gogosha qeybta uu kaga hadlay dastuurka wuxuu ku yiri, “Dhameystirka Dastuurka waa horutabin Qaran, rabitaan Shacab iyo balanqaad ay u samayeen dhamaan murashixiintii Xilka Madaxtinimo u tartantay laga soo bilaabo shirkii Carta sanadkii 2000 ilaa 2022. Waxaan hubaa haddii walaal kale oo aan aniga ahayn la dooran lahaana inuu shaqada ugu horreysa kadhigan lahaa dhammaystirka Dastuurka.”