Xasan Sheekh oo shaaciyey inay diyaar u yihiin nooc kasta oo doorasho balse hal shardi ku xiray + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay maanta ka hadlay shirka Dhuusamareeb ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka ee ku saabsan doorashooyinka.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga hadlay doorashooyinka dalka, isagoona soo bandhigay mowqifka Madasha Xisbiyada Qaran ee ku aadan doorashooyinka uu muranka badan ka taagan yahay.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa su’aal galiyay in doorashadu xiligeeda ay dalka ka dhaceyso, taasi oo muujineysa walaaca ay Madashu ka qabto inuu guuleysto qorshaha muddo kordhin ee VILLA SOMALIA.

Xasan ayaa si cad u sheegay inay Madashu diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho nooc-kasta oo doorasho, haddii heshiis lagu wada yahay, maadama aan hore looga diyaar garoobin in la qorsheeyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Sidoo kale waxa uu rajo xumo ka muujiyey in go’aan mideysan laga gaari waayo arrinka doorashooyinka, taasi oo horseedi karta qalaalase siyaasadeed oo hore looga digay

Wuxuuna soo dhaweeyay shirka Dhuusamareeb, isagoona ku baaqay in la balaadhiyo shirkaasi, iyada oo laga qeyb-galinayo saamileyda siyaasada, si looga gaaro wada-tashi arrinta doorashooyinka, isla markaana la isla qaato nooc doorasho oo heshiis lagu yahay.

Mowqifka Xasan Sheekh ee ay ka mideysan yihiin Madashu ayaa u muuqda mid wax badan ka gedisan mowqifkoodii hore, iyadoo midaasina ay ka dhigeyso in Madasha Xisbiyada Qaran aysan kasoo horjeedin doorasho qof iyo cod ah oo heshiis lagu yahay, balse ay kasoo horjeedan muddo kordhin.