Qoraal Villa Somalia kasoo baxay oo muujiyey in Axmed Madoobe uu ku adkaaday dagaalkii uu la galay dowlada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa u muuqda mid guul ka gaaray dagaalkii kala dhaxeeyay dowladda federaalka kadib doorashadiisi, sida uu muujinayo qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Xiisada ka dhalatay doorashadii Axmed Madoobe ayaa waxa si rasmiya usoo afjartay Villa Somalia, oo iyadu sheegtay bishii August dhexdeedi in Axmed Madoobe u aqoonsatay madaxweyne kumeel gaadh ah, halka ay shalay taasi badalkeeda ay cadeysay, midaasi oo muujineysa ifafaalada guusha Axmed Madoobe.

VILLA SOMALIA ayaa qoraal ay soo saartay Axmed Madoobe ku sheegtay ‘Madaxweynaha Jubbaland’, taasi oo ka duwan go’aankeedii hore, iyada oo hore ugu adeegsan jirtay qoraaladeeda ‘Madaxweynaha kumeel gaadhka ah ee maamulka Jubbaland’.

Is-bedelka Villa Somalia ee Axmed Madoobe ayaa imaanaya kadib markii kulamo albaabadu u xiran yihiin uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo, ka hor furitaanka shirka Dhuusamareeb ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale hore ugu fashilmatay talaabooyin ay cadaadis xoogan ku saareysay Axmed Madoobe, kadib markii ay ku guul-dareysatay inay saameyn buuxda ku yeelato doorashadii uu ku soo baxay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, is-bedalka mowqifkii dowladda federaalka ee Axmed Madoobe ayaa waxa uu kamid yahay qorshayaal ay madaxda dowladdu la tageen Dhuusamareeb, kuwaasi oo ay uga hortageyso bur-bur ama waji-gabax ku yimaada shirka wada-tashi ee dhawaan furmaya.

Villa Somalia ayaa u muuqata mid qaadatay guul-darada dagaalkii kala dhaxeeyay Axmed Madoobe, midaasi oo ay uga dan leedahay qorshaheeda ku aadan doorashada ‘qof iyo cod’ ee saaran miiska wada-hadalka ee shirka Dhuusamareeb.