Madaxweyne Farmaajo oo u duceeyey boqor Salmaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa qoraal kasoo saaray xaalada caafimaad darro ee uu wajahayo boqorka Sacuudiga.

Farmaajo ayaa qoraal kooban kasoo saaray xaalada boqor Salmaan bin-Cabdicasiis, kaasi oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isagoona caafimaad deg-deg ah u rajeeyay.

Waxa uu udhignaa qoraalka Farmaajo sidan: “Waxaan ugu duceynayaa in uu Alle siiyo soo kabasho deg-deg ah iyo caafimaad dheeriya”.

Boqor Salmaan ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayey xaalad caafimaad darro, iyada oo lagu soo waramayey in Isbitaal loo dhigay daaweynta xanuun ka asiibay dhanka kaadi haysta, inkasta oo xaaladiisu dagan tahay.

Qoraalka Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili uu qasan yahay xiriirka Sacuudiga, maadama ay xukuumada Farmaajo ay saaxiib dhow la tahay dowladda Qatar, taasi oo uu si weyn uga biyo diiday Sacuudiga.

Xiriirka diblumaasiyadeed ee Sacuudiga ayaa mad-madow badan galay kadib go’aanka dowladda federaalka ee dhex-dhexaadnimada khilaafkii khaliijka oo ay ku hanatay saaxiibtinimada Qatar.

Soomaaliya ayaa sidoo kale muddooyinkii dambe si weyn uga gaabsaneysay qadiyadaha Carbeed ee la hor-geeyo ururka Jaamacada Carabta oo ay qeyb ka tahay, taasi oo ay u dambeysay xiisada webiga Nile-ka ee ka dhex aloosan Masar iyo Itoobiya.