Turkey iyo Qatar oo dagaalka LIBYA ‘u adeegsanaya’ dhallinyaro Soomaali ah

Tripoli (Caasimadda Online) – Dowladda Turkey oo dooneysa iney xoojiso dagaalka ka dhanka ah ciidamada Janaraal Haftar, ayaa lagu warramay inay dooneyso inay dalka Libya geyso dhalinyaro Soomaali ah oo dagaalama, iyagoo u maraya dowladda Qatar.

Arintaan ayaa soo ifbaxday kadib markii wasiirka difaaca dowladaas (Hulusi Akar) uu booqasho aan lasii shaacin ku tagay magaalada Doha lana kulmay amiirka wadankaas Tamim Bin Hamad Al Thani.

Wargeyska Libiya Review ayaa sheegay in masuuliyiinta reer Qatar aysan wax faah-faahin ah ka bixin kulanka labda masuul dhexmaray iyagoo xiganaya masuuliyiin ka tirsan dowladda Liibiya.

Wargeyska wuxuu sheegay in ciidamada lagu xoojinayo dagaalka ay dowladda la aqoonsan yahay ee Liibiya kula jirto ay ka mid yahiin ciidamo dhawrkii sano ee lasoo dhaafay lagu tababarayay wadanka Qatar, waxaana ku jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka mid noqday ciidamada Qatar.

Dowladaha Soomaaliya, Turkey iyo Qatar midna kama hadal ciidanka Soomaalida ah ee la sheegay in la gaynayo Libya.

Turkiga si aad ah ayuu uga dhex muuqdaa dagaalka ka socda Liibiya sida uu sheegay wargeyska Milliyet ee laga leeyahay Turkey kaas oo sidoo kale kashifay iney dhanka Tripoli u daabuleen gantaalo iyo qoryaha is-qarxinta loo adeegsado.

Magaalada Sirta oo ah goob muhiim ah ayey dowladda Liibiya dooneysaa iney weerarto waana tan keentay in Turkiga uu u baahdo in la kordhiyo tirada ciidamada si dagaalkaas guulo wax ku ool ah looga soo gaaro.

Dhinaca kale Turkiga dhaleeceyn caalami ah ayuu la kulmay kadib markii lagu eedeeyay inuu adeegsaday kumanaan calooshood u shaqeystayaal ah oo u dhashay Siiriya si ay dagaalka Liibiya qeyb uga noqdaan.

Turkiga iyo Qatar waa laba wadan oo ka mideysan qadiyadda dagaalka Liibiya, waxeyna awoodooda isugu geyn doonaan iyagoo kaashanaya wadamada kale ee kula mideysan sidii ay u qabsan lahaayeen magaalooyinka Sirta iyo Al-Jufra kuwaas oo ah kuwa ku istaraatiiji ah halka Russia, Imaaraadka iyo Masar ay qudhooda ku hanjabeen iney jawaab ka bixin doonaan isku day walba.