Ciidamada TURKIGA oo la wareegaya hogaanka ciidan ka howlgala biyaha Somalia

Ankara (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u hogaamin doonta dhamaadka sanadkaan taliska wadajirka ah ee burcad-badeeda kula dagaalamaya gacanka cadmeed iyo hareeraha xeebaha Soomaaliya.

Sabtidii qoraal kasoo baxay wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay in isbadalka hogaanka taliskaan uu soo bilowday dhamaadkii bishii lasoo dhaafay, wuxuuna dhamaanayaa isbuuca labaad ee December.

Hawlgalkaan waxaa ku wada jira wadamada: Mareykanka, Cuman, Pakistan, Turkiga, Brazil, Baxreyn, Britain, Japan, Koonfur Kuuriya iyo Kuwait.

Sida la ogyahay ciidamada badda Turkiga waxey tan iyo horaantii sanadkii hore ka qeyb qaadanayeen hawlgalladaan wadajirka ah ee lagu baacsanayo burcad-badeedda.

Hawlgalkaan oo lasoo bilaabay 18-sano ka hor ayaa ujeedadiisa ugu weyn ay tahay in bariga afrika, bariga dhexe iyo koonfur Asia ay kula dagaalamaan argagixisada sida ku xusan heshiiska wadamadaan.

Gacanka Carabta, Gacanka Cadan, Badda Carabta, Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ayuu hawlgalkaan ku qotomaa.