Yuusuf Garaad oo soo jeediyey in hal arrin laga beddelo wada-hadallada ka socda Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore arrimaha dibedda Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar ayaa mu baaqay in wax laga beddelo qaabka ay u socdaan wada-hadallada Dhuusamareeb oo hadda ku kooban madaxda dowladda iyo madax goboleedyada.

Yuusuf Garaad ayaa madaxda ku sugan magaalada Dhuusamareeb kula taliyay iney wufuuda la socota ka qeyb galiyaan go’aamada ay gaarayaan.

Danjiraha wuxuu dareemayaa in madaxda ugu sarreysa dalka iyo hogaamiyayaasha shanta maamul ee xubnaha ka ah Federaalka ay u muuqdaan kuwa isku koobaya go’aamada ay ka gaarayaan arrimaha dalka.

Sidoo kale wuxuuu sheegay in dadka ku kulmay Dhuusamareeb ay yahiin dad leh maskax, aqoon iyo waayo aragnimo buuxda, wuxuuna u sheegay ineysan madaxdu noqon kuwa ay ka bilaabato howsha kuna dhamaato.

Halkaan ka akhriso qoraalka Yuusuf Garaad:

Waxaa fiicnaan lahayd in Hoggaamiyayaasha ku wadahadlaya Dhuusa Marreeb ay talo kala dhaxeyso wufuudda faraha badan ee la socota ee qaar khubarada yahay.

Runtii maskax, aqoon iyo waayo aragnimo ayaa ku kulantay marka la isu geeyo wufuudda la socota Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed.

Waxaa ila habboonayd in Hoggaamiyayaashu ay ahadaan meesha loola noqdo talada, haddii ay ergooyionkoodu is fahmi waayaan.

Waxaa ila habbooneyd in Hoggaamiyayaashu ay ahaadaan kuwa ay taladu ka go’do ee aanay noqon kuwa ay ka billaabato kuna dhammaato. Dhaqankaas oo can ahaa sagaashameeyadii waxaan moodayay in ay siyaasadda Soomaalidu ka kortay.

Wadahadalku wuxuu hadda ka billowday Hoggaamiyayaasha. Sida muuqatana iyaga uun ayuu ku kooban yahay.

Xilliga ay shirka ka maqan yihiin ma muuqdaan shirar kale oo ay joogto ula gelayaan wufuuddooda. Waayo waa nafleey oo waa seexdaan. Fursadda keliya oo la hasytaa waa in ay ayagu toos isu fahmaan.

Haddii ay is fahmi waayaan, ma jirto cid kale oo ay ula noqdaan maaddaama ay ka tallaabeen Wasiirrada, Xildhibaannada iyo la taliyayaasha aan lala tashan ee la faraha badan ee la socda.

Marka haddiiba ay arki karaan Hoggaamiyayaashooda, waxay ila tahay kaalinta wufuuddu in ay noqon karto mid muhiim ah.

Waa cadaadis ay Madaxdooda ku saaraan in aan dib loo dhigin wixii iyaga ku xiran ee hadda iyo halkan go’aan looga gaari karo.

Caqligu ma ahan ciddiyo oo isaga oo cusub ma soo dhalanayo usbuucyo gudahood.