Odayaal iyo siyaasiyiin la filayo inay war kasoo saaraan shirka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka socda abaabul ay wadaan odayaasha iyo qeybaha bulshada, kuwaas oo la filayo in saacadaha soo socda dalbadaan in madaxda aysan magaalada ka tagin, ilaa ay heshiis ka gaaraan arimaha taagan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada Rayidka ay soo saari doonaan baaqyo ku wajahan madaxda, kuwaasi oo ah in aysan magaalada ka bixin ama aysan kala tagin ilaa ay ka heshiiyeen arrimaha masiiriga ah ee taagan.

“Waxaan ku baaqeynaa in aanan la kala tagin ilaa ay soo saaraan wax lagu qanci karo” ayuu yiri qof kamid ah odayaasha degaanka oo aan la hadalnay goordhaw.

Xaalad aad u adag ayaa laga soo sheegayaa shirka Dhuusamareeb oo qaatay maalmo iyo saacado badan. Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka ku dhaw kala tag iyo fashil hase yeeshee waxaa socda dadaalo arrintaas looga hortagayo.

Sarkaal ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay inay u badan tahay in wax heshiis ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka aan lagu gaari doonin Dhuusamareeb, sababtuna ay tahay ayada oo dhinacyada ay ku adkeysanayaan mowqifkooda.

“Madaxweyne Farmaajo kama tanaasuli doono doorasho qof iyo cod ah, madax goboleedyadana waxay ku adkeysanayaan doorasho dadban, iimana muuqato inuu dhinacna ka tanaasuli doono aragtidiisa inta halkan Dhuusamareeb la joogo,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Villa Somalia ee la hadlay Caasimada Online.

Waxa uu sheegay in xalka kaliya ee muuqda una badan tahay in shirka Dhuusamareeb lagu gaaro uu yahay in lagu dhiso guddi farsamo oo ka kooban wasiiro heer federal iyo heer gobol ah, oo kasoo shaqeeya haddii meel dhexe oo la isugu iman karo, kadibna madaxda ay shir kale isugu yimaadaan toddobaadyada soo socda.