Xasan Sheekh oo sheegay 2 arriin oo Farmaajo ‘uusan xaq lahayn inuu sii wado’

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa weerar afka ah wuxuu ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaacay in madaxweynaha uusan noqon karin xil-gaarsiiye, sida xukuumadda oo kale, wuxuuna tilmaamay inuu ka dhammaaday waqtiga xil-heynta.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan xaq u laheyn inuu sii wado howlaha amniga iyo doorashooyinka, maadaama uu isaguna yahay musharrax.

“Madaxweynaha waqtiga waxa uu ka dhammaaday marka uu ku dhawaaqay in uu yahay murashax, meel aan ku iri ma jirto iyo waxbaa laga sheeeg-sheega balse waad taqaaniin oo hadda kahor waan sheegay sida ruuxaanta ayuu dadka uga dhex hadlaa Madaxweynahu, xaqna uma lahan in uu sii wado howlaha Amniga iyo Doorashada,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu dhacayo dibad-baxa abaabulayaan musharraxiinta, islamarkaana uu qabsoomayo Sabtida.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga digay dowladadda federaalka ah ee Soomaliya inay carqaladeydos dibad-baxaasi, si loo baajiyo ama loo fashiliyo.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo ra’iisul wasaaraha iyo mucaaradka ay maalin ka hore heshiis ka gaareen arrinta dibad-baxa, kadib wada-hadallo ka dhacay Hotel Decale.