Farmaajo oo buriyey qodob ay ku heshiiyeen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa durba soo ifbaxay su’aalo ku aadan inta uu la egyahay xiriirka wadashaqeyn ee u dhaxeeya Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee xil gaarsiita Maxamed Xuseen Rooble, kadib warqadii habeen hore ka soo baxday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa warqaddaas ku Iclaamiyay shir u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya, maamul gobaleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir, kaas oo lagu saxiixayo heshiiska laga gaaray muranka doorashada Soomaaliya ee Baydhaba.

Qoraalka Farmaajo ayaa burinaya qodob ka mid ah 6-dii qodob oo ay ku heshiiyeen Maxamed Xuseen Rooble iyo golaha midowga musharaxiinta ee Madaxweynaha Soomaaliya, heshiiskaas oo dhacay 25-kii bishii Febraayo.

Qodobka uu Madaxweyne Farmaajo jebiyay ee ku jira heshiiskii mucaaradka iyo Xukuumada ayaa ahaa, in mucaaradka oo kamid ah saamileyda siyaasada ay kamid noqdaan shirarka iyo go’aanada siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashada dalka iyo marxalada kala-guurka ah.

Mucaaradka oo dareensan xajmiga warqadda Farmaajo iyo sida loogu wiiqay rajadooda aheyd ka qeyb-galka shirarka lagu gaaray go’aanada siyaasadeed ee dalka ayaa qoraal ay soo saareen shalay ku yiri “Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal-daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga, kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta.”

Dad badan ayaa is weydiinaya, ma waxaa iska warqabin ama khilaaf u dhaxeeyaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, halka qaar kale ay qabaan su’aal ah, heshiiska mucaaradka iyo xukuumadu gaareen ma waxa uu ahaa dabin siyaasadeed ama shirqool loo maleegay mucaraadka, kaas oo ay soo abaabuleen Rooble iyo Farmaajo? 

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay shir deg deg ah oo ay ku yeesheen hotel Jaziira waxay ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo xagal daacinayo heshiiska xukuumada iyo mucaaradku ku gaareen Muqdisho.