Xasan Sheekh oo sheegay arrin aysan mucaaradka marnaba aqbali doonin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo madaxweynaha uu muddo xileedka ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa fashilka iyo dib u dhaca ku yimid doorashad dalka dusha u saaray dowladda federaalka iyo madaxdeeda uu muddo xileedkooda dhamaaday, sida uu sheegay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday uu qeyb ka yahay caqabada ku hor-gudban doorashada dalka, isagoona xusay inuusan dooneyn in dalkan ay ka dhacdo doorasho, xili ay beesha caalamka gadaal ka riixeyso xal ka gaarista muranka doorashada.

Sidoo kale waxa uu “lama aqbalaan” ku tilmaamay sii joogista Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana uusan marnaba ogolaaneyn golaha mucaaradka, oo iyagu dhamaadka toddobaadkan ku baaqay banaanbax weyn oo looga soo horjeedo Farmaajo, laguna dalbanayo doorasho dhaqso u qabsoomta.

Hadalkan ayaa imanaya ayada oo maanta Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ay ku dhawaaqeen banaanbax weyn oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 19-ka Febraayo.