Mahad Salad oo shaaciyey ‘farqiga dhanka sharciyadda’ ee Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa is barbar dhig ku sameeyey shaciyadda ay xafiisyada ugu sareeya dalka ku joogaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, isagoo dalbaday bal in lala wadaago hadii uu jiro qodob dastuuri ah oo Farmaajo awood u siinaya inuu xafiiska sii joogo.

“Mudada xilhaynta Madaxweynaha waa afar (4) sano ah oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo sida ku cad Qod. 91aad dastuurka. Sidaas ayuuna Farmaajo ku yahay Madaxweyne hore ama Madaxweyne xilkiisu dhamaaday,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraalkiisa.

Isagoo daliishanaya qodobka 103-aad ee dastuurka dalka ayuu tilmaamay in Rooble oo sharciyad u heysto inuu sii ahaado ra’iisul wasaare xil-gaasiin ah, inta laga soo magacaabo ra’iisul wasaarihii xilka kala wareegi lahaa.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisu waa Xil-Gaarsiiyeyaal inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo inta laga dhaarinayo Ra’iisul Wasaaraha cusub sida ku cad Qod. 103aad dastuurka. Sidaas ayuuna Rooble ku yahay Ra’iisul Wasaare xilgaarsiiye ah inta dowlada cusub ee dhalan doonta ay ka soo magacaabayso Ra’iisul Wasaarihii isaga badali lahaa,” ayuu yiri.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin qodob dastuuri ah oo maanta Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday u ogolaanaya inuu sii joogo xafiiska, xitaa hadii aan weli la dooran madaxweynihii bedeli lahaa.

“Qaylodhaan warmo kama tummaan ee qofkii qodob dastuuri ah oo Farmaajo lagu difaaci karo haya ha ila soo wadaago. Qofkii ujeedkiisu yahay in uu dadka qabyaalad ku indho sarcaadiyana comments-ka hoose waa u fasaxanyahay ee haku ciil baxo,” ayuu Mahad ku yiri qoraalkan uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Dhammaan hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhameystay madadoodii xil heynta ee dastuurku u ogolaanayey, waxaana hadda la isku mari la’yahay, hanaankii loo soo dooran lahaa madaxda bedeleysa kuwa waqtigu ka dhamaaday.