Senator YUUSUF XAAJI oo ku geeriyooday NAIROBI

Nairobi (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Nairobi ee caasimadda Wadanka Kenya ku geeriyooday Marxuum Maxamed Yuusuf Xaaji oo muddo dheer ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomalida ee dalkaasi.

Maxamed Yuusuf ayaa hadda ahaa Senatorka ismaamulka Gaarisa, wuxuuna ka tirsanaa aqalka sare ee dalka Kenya.

Marxuumka oo caan ku ahaa magaca Yuusuf Xaaji ayaa bilihii lasoo dhaafay xanuunsanaa, waxaana geeridiisa BBC u xaqiijiyey xildhibaan Aadan Barre Ducaale.

“Muddo afar ilaa iyo shan bilood ayuu xanuunsanayay, marka horena sinta ayaa laga hayay, dalka Turkiga ayaana lagu soo daweeyay,” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in marxuumka galabta ayaa lagu aasi doono qabuuraha Musliminta ee Langata.

Senator Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Kenya, wuxuuna mar soo ahaa wasiirkii difaaca dalkaasi, isaga oo sidoo kale muddooyinkii lasoo dhaafay hoggaaminayay guddi loo  saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badelka dastuurka Kenya.

Wuxuu sidoo kale soo noqday barasaab gobolka Rift valley intii u dhexeysay 1970 iyo 1998 iyo xildhibaankii deegaanka Ijara ee ismaamulka Gaarisa.

Marxuumka oo aad loogu yaqaano magaca Yusuf Xaaji ayaa dhashay sannadkii 1940-kii, wuxuuna ku dhashay gobolka Waqooyi Bari, wuxuuna dhalay illaa 9 caruur ah.