Qoraal kasoo baxay DF oo dood iyo su’aalo ka abuuray baraha bulshada (Aqriso)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay wasaaradda arrimaha dibadda kuna saabsanaa cambaareynta weerar ay kooxda xuutiyiinta ku qaadeen garoon diyaaradeed oo ku yaalla Sacuudiga ayaa si aad ah looga falceliyay.

Qoraalkaan ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda wadanka ay mareyso meel xasaasi ah, sidoo kalana ay dadka wali xasuusan yahiin qaraxii ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Sayidka.

Qoraalka Wasaaradda ay soo qortay waxaa ka falceliyay muwaadiniin badan oo isticmaala barta twitter-ka, waxeyna qaarkood tilmaameen in dowladda Sacuudiga aysan ka hadlin dhibaatooyinka Soomaaliya, balse ay wasaaraddu isku mashquulineyso waxyaabo aan danta umadda ku jirin.

Dadka qaar ayaa aaminsan in wasaaradda looga baahan yahay waxyaabaha danta u ah dadka Soomaalida iney ka shaqeeyaan, kana hadlaan, sida dhibaatooyinka qaxootiga Soomaalida ku heysta wadamo badan oo ay South Afrika ka mid tahay.

Qof ayaa soo qoray: “Anaga shaqadana mahan waxa ka dhexeeya Saudi arabia iyo Yamen. Wax aan Soomaali dan ugu jirin faraha kala baxa.”

Qof kalana wuxuu yiri: “War dowladaay, Sacuudi haddii Muqdisho wax ka dhacanba kama hadlaanee maxaa idin daba dhigay waa yaabe, markaas kale baan nacaa dowladba.”

Qof kale ayaa isna soo qoray: “War xagaasna maxaa inaga jira tolow.”

Mid kale ayaa isna is-weydiiyey “Sacuudiga ma canbaareeyaan weerarada argagixisada ee ka dhaca Soomaaliya?”

Qof kale ayaa isna ku jawaabay “Waxaa la dhahay mudul gubtay mid kale maxaa ugu yaalaa, annaga aaway teenee waa cajiib?”