Hay’ado lacag ku bixinaya in Muqdisho laga barakaco  

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan kuwa amaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ay baadi goob ugu jiraan Soomaali ka tirsan hay’ado shisheeye, kuwaas oo dadka Muqdisho u raraya xeryaha qaxootiga dalka Kenya. 

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ay ogaadeen in Kenya laga furay kaamam cusub islamarkaana loogu talagalay in la geeyo dad danyar ah oo ku nool kaamamka Muqdisho, waxaana dadkaas loogu sheekeeyay in suurtagal tahay dagaalo ka qarxa Muqdisho. 

Hay’adahaan ayaa la ogeyn halka ay ka tirsan yihiin hase yeeshee waxaa la aaminsan-yahay in ay macaash ka raadinayaan barakac iyo qaxootiga Soomaalida. 

Wararka kale ayaa sheegaya in ay soo abaabuleen dowlado shisheeye oo diidan daganaanshiyaha Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay qeyb ka tahay Kenya. Caasimada Online ma xaqiijin karto in dowlado shisheeye ku lug-leeyihiin hase waxaa magaalada ka jiro in dadka danyarta ah lagu dhiiri gelinayo in ay dalkooda ka cararaan. 

Sababaha ugu waa weyn ee dadka loogu abuurayo barakac iyo in ay dalkooda ka cararaan ayaa lagu sheegay muranka la xariira doorashada Soomaaliya, kadib markii uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.