KHEYRE oo DF u jeediyey eedeyn la xiriirta GALAAL

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre hadana ah musharax Madaxweyne ayaa maanta Muqdisho uga qeyb galay gogosha tacsida Alla ha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal.

Jeneraal Galaal ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii ay todobaadyo ka hor Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Afriik.

Khayre oo war ka soo saaray tacsida uu ka qeyb galay ee Jeneraal-ka ayaa Allaah uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, waxuuna dhammaan ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed Nuur Galaal oo ahaa “astaan qaran oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u shaqeeyay cimrigiisa inta ugu badan.”

“Waxay aheyd in qaranku fidiyo gogoshaan, sababtoo ah qofka dhintay waxuu ahaa qof qaran, muhiimadda iyo ahmiyadda ugu weynna waxay tahay in ay dowladdu u abaal guddo, oo ay muujiso sida ay uga xanuunsaneyso dadka usoo dhintay ee astaanta u ah qarannimada Soomaaliyeed,” ayuu Kheyre qoraalkiisa ku yiri.

Waxuu intaas ku daray, “General Galaal wuxuu kamid ahaa saraakiishii ugu aqoonta, tababarka iyo darajo sareysay ee hogaamin jirtay ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee lagu tilmaami jiray libaaxyadii Afrika. Wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay ee noloshiisa ahaa odey waayo arag ah oo kaalin muuqato ku leh nabadeynta iyo dhab u heshiisiinta bulshada.”

Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal waxaa meydkiisa lagu aasay magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud, waxaana aastay ehelladiisa, waxaana dowladda lagu dhaleeceeyey in aysan sidii uu ka mudnaa u maamuusin meydka Jeneraalka.

Waxaa xusid mudan in madaxda dowladda federaalka iyo inta badan kuwa dowlad goboleedyada ay ku sugnaayeen Dhuusamareeb, markii meydka Jeneraal Galaal la geeyey Gurceel, taas waji gabax badan uu ka soo wajahay dhamaan madaxda Soomaalida oo maalmahaas shir ku lahaa Dhuusamareeb.