Dib u dhac ku yimid shirkii uu iclaamiyey FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu yimid shirkii wada-tashiga ee uu dhowaan iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Maxamd Cabdullahi Farmaajo, kaas oo u dhexeeya dowladda, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Shirkan oo la filayey inuu furmo maanta oo ay ku beegan tahay 15-ka Febraayo ayaa dib uga dhacay, waxaana qorshuhuu in la’isugu tego magaalada Garoowe.

Dib u dhaca ayaa waxaa sababay khilaafka ka dhashay, halka lagu qabanayo shirkan, kadib soo jeedin ka dib Jubbaland iyo Puntland oo ku baaqay in Muqdisho laga dhigo.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya illaa iyo hadda kama hadlin dib u dhaca ku yimid shirka oo qorshuhu ahaa in diirada lagu saaro doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Ra’iisul wasaarah xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhinaca kale shalay magacaabay guddi farsamo oo ka kooban illaa 14 xubnood oo ka kooban dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo gobolka Banaadir.

Guddigan ayaa u gogol xaaraya qabsoomida shirka wada-tashiga golaha qaranka, waxaana beri ay shir ku yeelan doonaan magaalada Baydhabo, iyaga oo ka arrinsanaya qabsoomida shirka u dhexeeya dowladda, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Si kastaba beesha caalamka ayaa horey uga digtay inuu dib u dhac ku yimaado shirka uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, kaas oo muhiimadu ay tahay in xal mideysan looga gaaro xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka dalka.