Nin hubeysan oo dad isku qoys ah dil iyo dhaawac ugu geystay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe nin mindi ku hubeysnaa uu dil iyo dhaawac u geystay saddex qof oo isku qoys ah.

Dhacdadan ayaa timid, ka gadaal markii ay isku dhaceen qoyska iyo ninka oo daris la’ahaa, kadib muran soo kala dhex-galay.

Wararka ayaa sheegaya in ninka dilka geystay uu soo qaatay Mindi, kuna dhaawacay 3 qof oo kala ahaa Aabe iyo labo gabar oo uu dhalay, balse waxaa markii dambe dhaawac ahaan isbitaalka ugu geeriyooday Aabaha, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Mid ka mid ah ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey dhacdadaasi, wuxuuna sheegay in ninka dilka geystay oo goobta isaga baxsaday uu marxuumka todobo goor ku dhuftay Tooreyda, kadibna uu dhaawacay labo gabar oo kale.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in marxuumka iyo ninka dilka ka dambeeyey ay Qaraabo ahaayeen, islamarkaana uu caafimaad qabay, sida uu hadalka u dhigay.

“Nin ay qaraabo ay ahaayeen oo ay darisna ahaayeen iyo isaga ayaa xoogaa is-qabtay, kadibna ninkii ayaa soo booday oo Toorey la dhacay 7 goor ayuu ku dhuftay,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Ninkaan wuxuu ahaa nin miskiin ah ma-garatay oo siddeed cunug oo yaryar ah u shaqeysta, islamarkaana tabar yar,”.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxaana meydka loo gudbiyey goor dambe xarunta CID-da, si baaris loogu sameeyo falkaasi.

Dhacdadan oo si aad ah loo hadal hayo ayaa wal-wal xoogan & cabsi ku beertay dadka deegaanka, gaar ahaan ehellada qoyska ay dhibaatada soo gaartay.