Jeneral Maxamed Tahliil oo amar xasaasi ah siiyey ciidamada DF ee GEDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo dhibaatooyinka xoogan ee ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha oo degaano ka tirsan gobolka Gedo kula hadlayay Ciidamo ka tirsan Guutada 10-aad ayaa sheegay in loo baahan yahay in dagaalyahanada Al-Shabaab laga saaro dalka, si looga nabad helo falalka argagax leh ee markasta usoo maleegan bulshada.

Waxa uu ciidamada dowladda faray in si deg-deg ah u bilaaban howl-galo lagu cirib-tirayo Al-Shabaab, kuwaasi oo looga qabsanayo deegaanada ay ku sugan yihiin, islmarkaana ay heegan buuxa u galaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen sida ay ula dagaalamaan oo kale.

“Laga bilaabo saacadaan waa inaad heegan u gashaan sidii aad ula dagaalami laheydeen Al-Shabaab, ma ahan kuwo dadka u naxaya ee u gowraca sida ay idiin gowracayaan,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in dagaalyahanad kooxdaasi loola dagaalo qaab arxan darro ah, oo uu sheegay in iyagu ula dagaalam ciidamada, isagoona ku dhiiri-geliyay ciidamada dowladda inay gowracayaan oo si arxan darro ah u dilaan xubnaha kooxdaas.

Hadalka taliyaha wuxuu kusoo aadayaa xilli xaaladda dalka ay mareyso meel xasaasi ah, sidoo kalana dagaalyahanada Al-Shabaab ay weeraro qorsheysan, is miidaamin, dilal ka fulinayaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale waxey dadka qaar su’aal iska weydiinayaan waxa xiligaan kusoo beegay in lagu dhawaaqo iyadoo dalka uu isku diyaarinayo in doorasho la aado, sidoo kalana gobolka Gedo ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee khilaafka doorashada uu ka jiro.