26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Xasan Sheekh oo si caro leh uga jawaabay hadalkii Sheekh Shariif ee jabka ciidamada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hal sano kadib ka jawaabay hadal dowladda kululeeyey oo ku jiray khudbad uu jeediyey Madaxweynihii hore Shariif Sheekh, bishii July ee 2024.

Hadalkaas wuxuu ahaa in ciidamada qaranka aan maanta laga heli karin ‘hal Guuto oo toos ula dagaalami karta argagixisada, hadalkaas waa kululeeyey dowladda, waxaana marar badan siyaabo kala duwan uga jawaabay wasiirro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Xasan Sheekh ayaa sanadkaan jawaabta Sheekh Shariif ku soo daray khudbadiisii sanadlaha aheyd 15-ka May, taasi oo ku lamaanan maalinta dhalinyarada, Madaxweyne Xasan ayaa si adag uga jawaabay hadalkii Shariif-ka.

10 bilood kadib, Xasan Sheekh oo muujiyey sida uu uga carooday hadalkii Sheekh Shariif ayaa ku jawaabay in farriintaasi ay niyad jebisay ciidamada qaranka, dhiirigelina ay u aheyd kooxda Al-Shabaab, isagoo la hadlayey qaar kamid ah dhalinyarada Muqdisho oo munaasabadda 15-ka May uu kala qeyb galay.

“Dhallinyaro waxaan mar kale idin leeyahay dadka masuuliyadda loo dhiibi doono aad haloiga fiirsado, hal guuto oo dagaalanta majoogto iyo ciidan nooma dhisna kuwa dhahaya, war farriintaasi ma waxay dhiirigelineysaa oo taageero u tahay cadowga Khawaarijta ah, mise askariga furinta jooga ayey niyad jebineysaa?” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shariif iyo Xasan waxay kamid yihiin siyaasiyiinta ugu waaweyn dalka, sanado ka hor waxay ahaayeen saaxiib si wadajir ah u soo eedeyn jiray Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo – Xasan Sheekh ayaa isla khudbadiisa ku sheegay in hadaladii hore aysan muhiim aheyn oo siyaasad markaas jirtay looga jawaabayey, isla markaana ay tahay in laga gudbo.

Hadalladii ay Farmaajo u jeedi jireen waxaa kamid ahaa “doorashada dalka yaan laga dhigin shaati nin kaligiisa ah uu tolanayo” iyo “hal qof inuu doorashada dalka go’aan ka gaaro xaq uma lahan” balse maanta waxaa taagan arrin lamid ah tii Xasan Sheekh uu ku eedey jiray Farmaajo.

Xasan Sheekh intii uu ka hawaabay hadalkii Shariif Sheekh Axmed ma dhihin waa been ama run, laakiin wuxuu cuskaday in hadalkaas uu ahaa farriin dhiirigelineysa cadowga Al-Shabaab oo niyad jebisay ciidamada qaranka oo dagaal adag kula jira.

Madaxweynaha ayaa ku faanay in dhul baaxad badan ay dowladiisu ka xoreysay Al-Shabaab, ilaa 30 magaalo ayuu sheegay in laga saaray argagixisada, isla markaana uu dhisay ciidan qaran oo xoog badan.

- Advertisement -

Read more

Local News