Xasan oo si kulul uga hadlay dagaalka Laascaanood iyo xiisadda Puntland + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa si kulul uga hadlay xaaladda adag ee magaalada Laascaanood iyo xiisadda kasoo cusbnoonaatay maamulka Puntland.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaallada haatan ka socdo magaalada Laascaanood, isaga oo shaaca ka qaaday inuu ka xun tahay xiisaddaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in arrinta Laascaanood ay tahay mid siyaasadeed, xalkeedana ay tahay lagu raadiyo deganaan iyo wadahadal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xalka uu ku jiro midnimada iyo in rabitaankooda loo daayo shacabka ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

“Mushkiladda ka taagan Sool iyo Sanaag xalkeedu waa xal siyaasadeed in si siyaasad ah loo xaliyo. Siyaasadda guud ee Soomaaliya iyo midnimadeeda lagu raadinayo ayaana xalka Sool & Sanaag uu ku dhex jiraa” ayuu yiri madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo xabad joojin, kadibna labada dhinac ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xaaladda Laascaanood.

“Rabitaanka dadka hala ixtiraamo qorayga hala dhigo, xabadda hala joojiyo miiska hala’isku yimaado oo hala wada-hadlo,” ayuu markale yiri madaxweynuhu.

Dhanka kale madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday xaalada siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la dajiyo xaaladda, isla-markaana la ilaalinayo nabadda ay caanka ku tahay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Waxa kale oo uu farriin u diray odayaasha dhaqanka ee maamulkaasi, isaga oo ka dalbaday inay qaataan doorkooda ku aadan sidii loo qaboojin lahaa xiisaddaasi siyaasadeed.

“Odayaasha dhaqanka ha qaataan kaalinta ay leeyihiin oo ah kaalin nabadeed, haddana ay qaateen, waana ku boggaadinayaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.