Farmaajo oo xiriir la sameeyay odayaasha SSC kadibna…

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan dibad joog ah ayaa war xasaasi ah kasoo saaray xaalada murugsan ee ka taagan magaalada Laascaanood.

Farmaajo ayaa marka hore tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay dagaalka dib uga qarxay magaaladaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa ehelada iyo qaraabada dadkii birimageydada ahaa ee ku naf-waayey xaaladda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood, aniga oo Alle u weydiinaya in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa,” ayuu yiri madaxweynihii hore.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu khadka talefoonka kula hadlay odayaasha dhaqanka ee SSC, isla-markaana uu la wadaagay tacsida dadkii lagu dilay magaalada Laascaanood.

“Waxaan si gaar ah murugada tacsida ula wadaagay Madax-dhaqameedka Deegaanka oo aan khadka talefoonka kula hadlay,” ayuu markale sii raaciyey Maxamed Farmaajo.

Dhanka kale waxa uu baaq kasoo saaray xaaladda magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaas aysan xamili karin colaado horleh.

“Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee awalba la daalaadhacayey colaadaha, maanta ma xamili karaan colaad iyo dhibaato hor leh, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo dirirta,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dagaalka ka socdo Laascaanood uu galay maalintii labaad oo xiriir ah, kaas oo saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah ee magaaladaasi.

Si kastaba, dagaalkan ayaa sababay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur xoogan oo soo gaaray goobihii lagu dagaalamay ee Laascaanood.