SOMALILAND oo sheegatay inay maxaabiis ku qabsatay dagaalka iyo siday ka yeeshay

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo goordhoweyd war kasoo saartay dagaalka Laascaanood ayaa shaacisay inay sii deysay maxaabiis ay ku qabsatay dagaalka socda, kuwaasi oo dhaawac kasoo gaaray dagaalka.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta ahna Afhayeenka xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in maxaabiista lasii daayay maanta ay ahaayeen kuwa deegaanka, islamarkaana lagu wareejiyay eheladooda.

“Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo ku jira iska difaacidda weerarada kaga imanaya kooxaha Argagixisadu waxa ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo iskugu jira argagixiso, ciidanka PSF ee Maamul Goboleedka Puntland iyo dad deegaanka ah oo la soo qalday,” ayuu yiri.

“Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay siidaysay maxaabiistii u dhalatay deegaanka kuna dhawaacmay dagaalka ka socda Laascaanood oo eheladoodii lagu wareejiyay maanta.”

Maxaabiista uu sheegay in Somaliland ay gacanta ku dhigeen ayaa waxay iskugu jiraan argagixiso iyo ciidanka PSF ee dowlad-goboleedka Puntland, lamana oga waxa ay ka yeelayaan maxaabiista kale marka laga reebo kuwa deegaanka oo lasii daayay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay ku jiraan is-difaac ka dhan ah weeraro uu sheegay in ay ka imanayaan kooxo argagixiso ah, ayada oo la ogyahay in dagaalka u dhaxeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa markale saaka aroortii hore uu dagaal culus dib uga qarxay gudaha magaalada, kaasi oo la sheegay inay soo qaadeen ciidamada Somaliland oo beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada SSC-Khaatuma.

Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsan, waxaana la soo wariyay in dagaalka socdo uu ka xoogan yahay kii shalay, islamarkaana uu ku fiday xaafado hor leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi xoogan, maadaama uu dagaalku is qabsaday dhowr jiho ah oo magaalada ah.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa sababay dhimashada illaa afartameeyo qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay intaasi, waxaana ku jira dad shacab ah oo aan waxba galabsan.