Xasan oo soo bandhigay qorshaha 3 geesoodka ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarigga ka jaray Isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota.

Madaxweyne Xasan ayaa marka hore xusay ahmiyadda ay leedahay maal-gelinta adeegyada caafimaadka oo, baahi weynna ay u qabaan dadka Soomaaliyeed.

Xasan ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mashruucan hirgeliyey, waxa uuna xusay in dadaallada noocaan ah ay qeyb ka yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo yareynta safarrada caafimaad ee dibadda.

“Arrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeen.”

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota, kaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta 6 Isbitaal oo laga dhisayo dhammaan Soomaaliya iyo sare u qaadidda tayada caafimaad ee dalka.

Isbitaalka Hodan ee madaxweynaha Xasan uu xarigga ka jaray ayaa lagu hirgeliyey maalgelin ka badan $12 milyan oo dollar, iyadoo la qorsheynayo in lagu dabiibo cudurro badan oo dalka dibaddiisa loo aadi jiray, caqabado iyo culaysna ku ahaa dadkeenna Soomaaliyeed.