Seeraar: Xasan Sheekh iyo R/W CCC waxay isla garteen inay bulshada ku waalan siyaasadooda

Muqdisho (Caasimada Online) – C/naasir Seeraar Afhayeenka Maamulka Jubbaland oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay heerka uu xiligaani gaarsiisan yahay xiriirka Maamulka kala dhexeeya DF Somalia.

Waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland in muddo ah ka weecaneysay rabshadeynta Federaalisimka, balse iminka lagu qasbaayo inay la soo baxdo wajiyo aan looga baran Jubbaland.

”Anigu ka gaabsan maayo xaqiiqda jirto waxaan sheegayaa inuusan jirin haba yaraatee xiriir Jubbaland kala dhexeeya DF Somalia kalsoonidii badneyd waxaa ku dheelay Dowlada, kaliya waxaa soo celin kara iyada”

”Jubbaland kama aysan fileynin inuu sidaan noqon doono xaalka, balse waxaa noo muuqatay in meeshu aysan aalin wax dowlad ah wax walibana diyaar ayaa u nahay horayna waan isugu tashanay hadana wan isku sii tashaneynaa”

Waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa in filan’waa ay la tahay in DF Somalia ay u dhaqanto sida maamul goboleed, taasi ayuu sheegay inay shaki galisay Maamulada kale.

Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ayuu sheegay inay ku jahwareersan yihiin, maadaama uu yiri go’aanka gacantooda uu ku jiro hadana ay is khilaafsan yihiin.

Haddalka Seyraar ayaa imaanaya xili Ra’isul wasaare Cumar uu ka shanqariyay inuu xal ka dhex dhalin doono DF Somalia iyo Maamulka Jubbaland si uu yiri meesha looga saaro Khilaafka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com