Dhageyso Puntland: Waxaa ballan ah in XASAN uu Visa kusoo gal Puntland, Jawaari waa qaxooti

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland oo maalmihii ugu dambeeyey qeylo-dhaan waday ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Visa usoo qaadan doono maamulkaas wixii hadda ka dambeeya.

Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday guddoomiyaha waqooyiga Mudug C/qaadir Shire oo hadal u jeediyey dad shalay ku dibad-baxay magaalada Gaalkacyo, oo diidan horumarka iyo maamulka ay dhisanayaan dadka gobollada dhexe.

“Waxaa ballan igu ah in Xasan Sheekh uu Visa usoo qaato Puntland, weliba lagugu dhibo” ayuu yiri guddoomiyaha waqooyiga Mudug.

Cabdulqaadir Shire ayaa sidoo kale goobtaas ku aflgaadeeyey guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, oo uu sheegay inuusan waxba dhaamin dadka qaxootiga ah ee ugu jira xeryaha.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com