LIISKA guddiga doorashooyinka madaxweynaha GAL-MUDUG oo la shaaciyay (Akhri Magacyada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudiga farsamada shirka Cadaado ee Maamulka loogu dhisaayo G/Dhexe ayaa soo Bandhigay ilaa 9 Xubnood oo ah Gudiga Doorshada Galmudug Kuwasi oo laga soo dhex Xulay Golaha Baarlamaanka Galmudug.

Gudigaani oo lasoo bandhigay Magacyadooda ayaa mas’uul ka noqon doona qaabka ay u dhici doonto Doorashada.

Gudiga ayaa laga sugayaa inay soo bandhigaan shaxda doorashada iyo jadwalka shaqo ka hor inta aan la gaarin maalinta sabtida oo la filaayo in Ergada ay dooran doonaan madaxweynaha Galmudug.

Magacyada Xubnahaasi ayaa waxaa shaaciyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal casir waxa ayna kala yihiin:-

1-Maxamed Aadan Cusmaan -Gudoomiyaha Gudiga Doorshada Galmudug

2-Cabdi wali Cali Maxamuud -Xogyaha Gudiga

3-Maxamed Xasan Geelle -xubin

4-Farxiyo xasan Maxamed xubin

5-Xasan Maxamed Axmed Xubin

6-Farxiyo Cabdulahi Sh Doon -Xubin

7-Canab Maxamed cosoble Xubin

8-Maxamed mire Axmed xubin

9-Cabdiqaadir cali diirshe xubin

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com