Dhageyso: Ninkii ugu cuslaa beesha Sacad oo ka digay in la doorto Cabdikariim Xuseen GUULEED

Cadaado (Caasimada Online) – Suldaanka guud ee beesha Sacad Suldaan Cabdikariin Suldaan Maxamuud Dagal oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qof wanaagsan ay mudan tahay in loo doorto madaxtinimada maamulka Galmudug State.

Wuxuu sheegay in ay wanaagsan tahay in baarlamaanku ay soo doortaan nin karti iyo aqoon u leh Mudug iyo Galgaduud si dhibaatada ay uga baxaan.

Waxa uu tilmaamay in ay jiraan dad u wanaagsan Galmudug oo hadda sharaxan kuwaasna ay tahay inay doortaan wakiillada cusub ee Galmudug.

“Waxaan ka digayaa inaad soo doorataan nin xiriirkiisa uu xun yahay oo horay wax u soo baaba’shay” ayuu yiri Suldaanka beelweyne Sacad.

Dadweynaha goballada dhexe ayaa aad u danaynaya in doorashada uu ku soo baxo aqoonyahan Axmed Macalin Fiqi oo la aaminsan yahay inuu yahay aqoonayahan wax badan u qaban kara Goballada Mudug iyo Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com