Wargeys caana oo qoray xog xasaasi ah: Wasiiro badan oo ka tirsan DFS oo xilalka laga qaadayo!!

Qaar ka tirsan wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in xil-ka-qaadis lagu sameeyo maalmaha soo socda iyadoo xubno cusub lagu soo dari doono golaha wasiirrada.

Wargeyska The Indian Ocean oo ka soo baxa dalka France, oo soo xiganaya ilo ku dhow dhow madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayaa sheegay in la qorsheynayo in xilka laga qaado wasiirka arimaha dibedda, Cabdisalaam Hadliye iyo wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, Cabdiraxmaan Caynte.

Hadliye oo horey UN Monitering group ugu eedeysay in uu musuq maasuqay lacago xilligii uu ahaa guddoomiyaha bangiga dhexe, ayaa lagu beddeli doonaa Maxamed Cumar Carte oo hadda ah ra’iisul wasaare ku-xigeen, isagoo isla jagadaas sii heyn doona.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa la qorsheynayaa in lagu beddelo siyaasi lagu magacaabo Ibraahim Mahadalle oo ka mid ah saaxiibbada ku dhow dhow madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirrada kale ee booskooda halista ku jiro waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Odowaa oo ah wasiirka arimaha gudaha iyo Xaawo Xasan Maxamed oo ah wasiirka caafimaadka.

Dhammaan wasiirrada ay dul saaran tahay seefta xil-ka-qaadista, ayaa lagu eedeynayaa in aysan si wanaagsan u gudan shaqadooda.

By Ibraahim Geedow Cawaale, Injineerka14@gmail.com