S/A oo ku kacday fal ka careysiiyay Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka South Africa ayaa sheegaya in Dowlada dalkaasi ay albaabada u laabtay xero qaxooti oo ay ku noolaayen boqolaal Soomaali ah.

Xerada la xeray ayaa waxaa ku barakacay Soomaali badan oo ka cararay weerarada isir naceebka ahaa ee lagu bartilmaameysanaayay Ajaanibta gaar ahaan Soomaalida.

Go’aanka lagu xiray Xerada ayaa waxaa ka carooday Soomaali farabadan oo iyagu nasiib u yeeshay dilalka, waxa ayna Dowladu ka dalbadeen in loo sii daayo Xerada si ay ugu badbaadiyaan noloshooda.

Muwaadiniinta South afrikaanka ah ayaa ku bahoobay beegsashada Ajaanibta gaar ahaan Soomaalida dalkaasi ku dhaqan, waxaana suuragal ah in Soomaalida laga barakiciyay Xerada ay dib ula kulmaan caqabado dhanka amaanka ah.

Dhanka kale, Xiisadahaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan 8 qof oo shisheeye ah oo uu ku jiray Muwaadin Soomaali oo nolosha lagu gubay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com